Safiirka cusub Ee Maraykanka uqaabilsan Somaliya Oo Muqdisho ka dagay

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya oo war ku daabacay boogiisa internet-ka.

Danjire Donald Yamamoto oo dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ayaa u faiisanaya Mareeykanka ayaa waxaa uu maalmihii lasoo dhaafay safar ku maraya Goboladda ay Soomaalidu degto mareeykanka halkaas oo uu shaqadiisa ka bilaabay uuna kula kulmay hogamiyeyaasha bulshadda.

“Mareeykanku waxaa uu ku dhawaaqayaa in uu yimid Danjire Dolad Yamamoto si uu u hogaamiyo Xafiiska Mareeykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Faderalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya.

Yamamoto waxaa uu ka mid yahay Danjireyasha mareeykanka ee ugu heer samreeya Qaaradda Africa, waxay calaamad muhiim u tahay in Mareeykanku uu meel muhiim ah geeyay Xiriirka Dadka iyo Dowladda Soomaaliya, ayaa algu yiri Warka.

Warku waxaa uu intaas ku daray in Danjire Yamamoto uu lashaqayn doono Bulshadda Soomaaliyeed, Dowladda faderalka ah iyo Maamul goboleedyadda si loo dhis mustaqbalka Soomaaliya.

Bishii October 2017kii ayuu is casilay Stephen Schwarts oo ahaa Safiir uu mareeykanku Soomaaliya u soo magacabay, Bishii Jun ee Sanadkaanna waxaa is casishay Elizabeth Shackelford oo sheegtay in Madaxweeyne Trump aysan isku fikir ka ahayn arrimaha Soomaaliya