Video:-RW khayre oo shir gudoomiyay shirkii khamiislaha ahaa Ee golaha Wasiirada D.Dhexe

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay tirakoobsha shaqaalaha dawladda, xubinnimada Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka maanta oo sidoo kale warbixin looga dhagaysatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii kulanku uu socday u sheegay wasiirrada in muhiim ay tahay in wasaarad waliba shaqadii loo xil saaray ay dardar geliso si loogu guulaysto qorshaha qaran,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka