Ciidamada Puntland oo qarax lagula eegtay Buuralayda Galgala

Qaraxa oo ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday Gaari Cabdi bila ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowlad Puntland,kaas oo marayay inta u dhaxeeysa Buuraha Galgala iyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
 
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi,marka laga soo tago,wararka qaar,ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi,kuwaas oo Dhaawacooda la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso.
 
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Ciidamada Puntland,waxa ayna sheegteen in khasaaro fara badan ay Qaraxaasi ku gaarsiyeen Ciidamada Dowlad Puntland.