Gudiga Doorashada maamulka Koonfur-galbeed oo la dhamaystiray

Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen.

 

Halkan ka akhriso magacyada gudiga:-