Madaxweyne Gaas oo kala diray golihii deegaanka Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland oo Kala Diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta
Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta
Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen
shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka
Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu
Madaxweynuhu saxiixo,wuuna saxiixay
Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND