Xildhibaan Baarlamaanka J.Africa-da dhexe ka tirsan oo loo gudbiyay Maxkamada Hague

Xubin ka tirsan baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horena u ahaan jiray hogaamiye maleeshio ayaa loo diray Hague.

Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwado ah dambiyo aadamenimada laga galay iyo kuwo dagaal marka la hor geeyo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah. (ICC).

Alfred Yekatom oo loo yaqaanay “Rambo” ayaa hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah markii ay socotay colaadii diimaha ku salaysnayd ee aloonsantay markii fallaagadii Muslimiinta ahaa talada dalkaa la wareegeen 2013-kii.

Weli qalalaasihii wuu ka socdaa dalkaas oo ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay Jimcihii.

Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa isna ku dhaacwamay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin galbeedka dalkaas, waxa kale oo nolol lagu gubay wadaad Masiixi ah magaalo ku taal badhtamaha dalkaas, waxaanay Qaramada Midoobay sheegtay in kumanaan qof ka qaxeen qulqulatooyinkaa taagan.

Dambiyada lagu eedeeyey Yekatom waxay dhaceen dabayaaqadii 2013-kii iyo horraantii 2014-kii.

Waxa uu hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah oo ka dagaalamayey dhanka koonfureed ee dalka oo ka soo horjeeday Muslimiinta laga tirada badanyahay ee dalkaas oo talada la wareegay.

Maxkamadda ICC waxay sheegtay in Yekatom ka masuul ahaa dil, jidh dil iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah oo loo adeegsaday caruur la hubeeyey.

Waa qof kii ugu horreeyey ee loo gudbiyo maxmadda ee u dhashay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Ururka caalamiga ah ee xidhiidhka qareenada xuquuqda aadanaha ee magaciisa loo soo gaabiyo marka uu Af-Faransiiska yahay FIDH, ayaa sheegay in tallaabadaasi tahay mid muujinaysa in ay xukuumaddaa ka go’antahay in ay wax ka qabato dadka dambiyada ay geystaan aan loo raacin.

Yekatom waxa xildhibaan baarlamanka ah loo doortay sanadkii 2016-kii in kasta oo ay saarrayd xayiraad ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay. Waxaana la xidhay bishii hore mar ay is af-dhaafeen xildhibaan kale oo uu rasaas ku riday baarlamanka dhexdiisa ka dibna cagaha wax ka day is yidhi.

Afrikada Dhexe waxaa lagu dillay ku dhowaad boqol qof

Weerar laga baajiyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe