Maxaa kala socotaa musuq baahay Ee wasaarada maaliyada Dowlada Dhexe Ee Somaliya?

Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan
Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiis.
 
Tusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100-dollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay oo Booliska iyo Militariga ka qaatay.
 
In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Somalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya in ay haystaan garab ay isku hallayn karaan.ayaa waxaa ka dhalan kara.
 
 
 
1.Ciqaab iyo caro ka timaadda Ilaahay
 
2.In ay yaraato kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan dawladda.
 
3.In aan madaxda dawladda marka ay Musuqa ka hadlayaan aan dheg loo jalaqsiin.
 
4.In ay dhiirrogeliso in tuugada waaweyn ay ku dhiiradaan xatooyada xoolaha dadweynaha
Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaac baxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay 3-Nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda.
 
Sidee wax u dheceen? Yaa qaata? Xaggee ka qaataan?
Halkan ka kahriso warbxiinta