Video:-Madaxweyne Farmaajo oo u anba baxay dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.
 
“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
 
Waftiiga Madaxweynaha,ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.
 
Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah.
 
Wafiga Madaxweynaha,waxaa qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad,,Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
 
Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka