Video:-Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyay kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.

Xasan Shiikh,ayaa xiligan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDP,waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Xasan Shiikh ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Xisbigiisa uu xafiis uga furan lahaa iyo la kulanka qeybaha bulshada iyo maamulka Jubbaland.

Booqashada Xasan Shiikh uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladaha Fadaraalka, kaasoo aan weli xal laga gaarin,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka