Xildhibaan Fiqi Oo Si Kulul u Weeraray Madaxweyne Farmaajo (Daawo)

KISMAAYO(IDIL NEWS)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee sida weyn u dhaliilsan Hab-dhaqanka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hoggaamintooda, ayaa adag u Weeraray qaab Siyaasadeedka Villa Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa Sheegay in Madaxda Dowladda Federaalku ay ku Fashilmeen Hoggaaminta Dalka, Isagoona tilmaamay inay taas bedelkeeda bilaabeen Boor isku qarin.

Xildhibaanka ayaa Sheegay in Madaxda Villa Soomaaliya ay hadba meel madaxa la galayaan, Isagoona ka digay Qorshaha Cusub ee uu qeybta ka yahay Madaxweyne Farmaajo kaas oo ay waddaan Hoggaamiyaasha Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Daawo.

 

 

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.