Madaxweyne Farmaajo Oo Hanjabaad u Diray Siyaasiyiinta Diidan Isbaheysiga Geeska Africa (Daawo)

ROMA(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas, ayaa ka hadlay mar kale Isbedelada ka socda Gees Africa iyo sida ay u wajahanday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sheegay in Xariirka Dhow iyo Isbaheysiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay soo Dhaweeyeen Qeybo kamid ah Caalamku, ayna dani ugu jirto Soomaaliya oo horey loogu hayay Fara-gelino badan oo Curyaamiyay Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Hanjabaad kulul Hawada u Mariyay Dadka diidan Xariirka dhow ee Dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Siyaasiyiintu, waxaana uu Qiray inay tilaabo ka qaadayaan, maadama sida uu Sheegay Dalkan Masiirkiisa inuu ka taliyo Asaga loo doortay.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.