Xildhibaan C/xakiin “Shaqadii Guddiga Maaliyadda Waxaa Fara-gelin Ku Heyso Xukuumadda” (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda inay faragelin ku heyso shaqadii Guddiga, kaddib markii shalay uu Guddoonka Baarlamaanka waxba kama jiraan ku tilmaamay, warbixintii Miisaaniyadda ee ay Guddiga soo bandhigay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya aan warbixintaas la soo qaadi karin, isla markaana aan loo marin hab raacii saxda ahaa, waxaana raalli gelin uu siiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaan C/xakiin ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan warbixinta Miisaaniyadda ay soo bandhigeen ee ku aadanaa musuq maasuqa iyo wax is daba marinta lagu sameeyay Miisaaniyadda, isagoo xusay in arrintaas Baarlamaanka u taalo hantida ilaalinteeda.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in shaqada Guddiga ay faragelin ku heyso Xukuumadda,isla markaana loo ogeyn sidii ay tahay inuu u shaqeeyo Guddiga sida uu yiri.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.