Madaxweyne Gaas Oo Shaaca Ka Qaaday In Doorashada Puntland ay Waqtigeeda Ku Dhacayso (Daawo)

QARDHO(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo maanta Xariga ka jaray Dhismaha Casriga ah ee Isbitaalka weyn ee Magaalada Qardho, ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka Puntland iyo Magacaabista Guddiga Xalinta Khilaafaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Shacabka Puntland si cad ugu Sheegay in Doorashada Puntland aysan Hal Maalin Dib u dhici doonin oo ay ku Qabsoomayso Waqtigii loogu tala-galay ayna Horey u dhici jirtay.

“8 January Doorasho fiican oo xor ah oo xalaal ah oo kuwii hore ka sii fiican baa dhici doonta, hadaad khadarkiina soo ceshataan Alxamdulilaah, hadaad mid kale keen sataana Rabilcaalamiin weeye” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Gaas

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.