Xildhibaan C/llaahi “Xukuumadda Kheyre ayaa Fariimo Hanjabaad ah ii Soo Dirtay” (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, ayaa Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre ay Hanjabaado toos ah u Dirtay Xildhibaanada kasoo Hor-jeeda waxa uu ugu yeeray Beenta iyo Boro-bugaandada Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan C/llaahi oo ka Qeyb-galayay Barnaamijka Falanqeynta Siyaasadda ee ka baxa Tv-ga Somali Cable, ayaa Sheegay in uusan rumeysnayn in ay Jireen Handadaado iyo Hanjabaado loo diro Dadka Diidan Dhaqanka Dowladda, balse taas uu rumeystay hada.

Waxaa uu Sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay ay Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre u soo diraysay Fariimo ay ugu hanjabayso, Isagoona ganafka ku dhuftay inuu yahay Ruux u liicsamaya ama u jilicsan Handadaada Xukuumadda.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.