Xildhibaan Mursal “Guddoomiye Mursal Ma La Socdo Kala Dirista Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka” (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee Shalay la kala diray ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uusan waxba ka ogeyn Talaabadan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghayaha guddiga, ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyey guddoomiye Mursal, una xaqiijiyey in arrintan ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba ka ogeyn.

“Mursal wuxuu ii sheegay inuusan ogeyn arrintan, waana mid u gaar ah guddoomiye ku xigeenka koowaad Muudeey iyo kan labaad Mahad Cawad oo ku xiran ra’iisul wasaare Kheyre” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan ayaa ku sugan dalka Turkiga oo uu howl-shaqo ku joogo, waxaana Shalay guddiga kala diray ku-xigeenkiisa 1-aad Cabdi Weli Ibraahim Muudey, Iyadoona Talabadaas ay ka dhasheen Muran iyo Dood.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.