XOG-WARAN:- Boqolkii Maalmood Ee Uu Xafiiska Joogay Madaxweynaha DDS Mustafa Omar.

JIGJIGA(IDIL NEWS)-22 AugostAyey ahayd Kolkii Gudiga Fulinta U Xusheen Inuu Noqdo Sii Hayaha Xafiiska Ee Ilaa Doorashadda 2020

26 Augost Ayaa Golaha Shacabka/Xildhiibaanadda Heer Deegaan Cod Gacan Taag ah si Aqlabiyad (Majirity) U ansiyeen

1 September Ayuu Soo Dhisay Golihii Wasiiradda Heer Deegaan (Golahaas Oo ah Gole Ka kooban Dhamaan Goboladda SOMALI REGIONAL STATE Laguna Soo Xushay Aqoontoodda & Kartidooda) Laba Maalmood kedibna waxaa La-horgeeyey Aqalka baarlamaanka Heer Deegaan Si aqlabiyad ahna wey u ansixiyeen

8 September Golihii Wasiiraddu Waxay U Kala Baxeen Dhamaan Goboladda & Degmooyinka Deegaanka Waxayna Soo Dhiseen Maamul Gobol, Degmo Ilaa Qabale kuwaas Oo ku yimid Rabitaanka Bulshadda Ay Mataladoodda Haystaan (Non Dib-U-Curasho)

Badhtamihii September Baarlamaanka Deegaanku Waxay Si Sharci ah Usoo Celiyeen Heesti & Callankii Deegaanka Ee Dhalashadii Deegaankeena La Kowsaday, Sidoo kalena ah Calankii Ugu Horeyey Ee Caradeena Laga Taago Ee Baarlamaan Ansixiyo

Madaxweyne Mustafe & Team Uu Hogaaminayo Waxay Sadex Todobaad Gudahood Laba Safar Ku Tageen Caasimadda Dalka Eretrea “ASMARA” SI Ay Wadda Hadalo Ula Furaan Hogaaminta Mujaahidiinta Xaqqa ah Ee JAWXO
(Sidaad Og-tihiina Madaxweyne Mustafe Wuxuu Si shuruud la’aan ah u aqbalay dhamaan Qodobadii Xaqlayaashu Miiska Soo Saareen) Hirgallinteediina Hordhaceedii Waxaa Billaw u ah Soo Guro-Noqodka Mujaahidiinta & Saraakiisha Ugu Sareysa Oo 72 Saacadood Ee Soo Socda La Filayo Madaxdii JAWXO Inay Soo Gurto Noqdaan

Waxaa September 22 uu Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu albaabada u laabay JEEL OGAADEEN isagoi sii daayay dhamaan maxaabiustii ku jirtay

Madaxweynuhu Wuxuu Dib U Dejin U sameeyey/Ugu Yaboohay Xaasaskii/Caruurtii ay ka Shahiideen Naftood hurayaashii Dhiigooda Usoo Daadiyey Degelkeena & Kuwii ku Naafoobay Laxaadkoodana U Waayey Gumaysi La Dirirkii Oo Uu Qaarkood si toos ah Tilifoono Ugu Direy

Madaxweynuhu Wuxuu Dib U Dejin U sameeyey Abwaanadii Astaanta & Sumadda Geyigeenu U lahaa

Boqolkaas Maalmood Gudahood Waxaa Eebe Awoodiisa Ku Suura-gashay In Tafsiirka Quraanka Kariimka ah & Axaadiista Masaajiida Deegaanka Si Toos Ah Looga Marsaddo, Sidoo Kale Waxaa Suura-galay In Madariistii Quraanka Kariimka ah Caruuraheenu ka baran lahaayeen Qufuladii Tobanka Sano Ku Xidhna Dib Looga Jebiyo Macalimiintii/barayaashii Lagu Dhiiri-Geliyo Shaqadda ay umadda u hayaan ay ku amaanan yihiin “Ilaahay Xamdigii”

Boqolkaas Maalmood Waxaa Illaahay Qadaray In Wiilashii (ONLF & LIYUU) Calamadii Dhamacda Rasaaseed Beerka iska Iska Gelin jirey Inay Bogga Is Geliyaan Iyagoo Gacmaha Is-haysta, Wiil Danbe Oo Meydkiisa Dhaanto Lagu Dul Jebiyo Boqolkaas Maalmood Inamay Soo Merin “ALHAMDULILAAH”

Boqolkaas Berri Guri Maxasi Jiifto, Guutooyin Qabaal Wata Saq Dhexe Umay Soo Dhicin, Bilcaan Lama Marjin, Sodog Iyo Sodoh Lama Qaawin, Aragti Xume & Cuqdad Baa Ku Heysa Kiis May Noqon, Jeel Ogaden Albaabadda ayaa Loo Laabay Ku Darsoo Gidhibkii Bulshadda Uunbaa Ka Cabta’e Ruux Lama Muquursiin

Television SRTV Mudane Iyo Marwo Lagama Soo Caayin, DHAANTOOYINKA JABHADDA, kuwa LIYUUGA Waddaniyadda Si Siman baa looga Dheehda, Waxaan Meesha Ka Madhnayn SRTV (EX-ESTV) Oo Shacab Baahidooda Ka Sheeganayaan Halkii Boqol Maalmood Kahor ay isla Isaga “ESTV KA CABI JIREEN BIYO HAFARYO AH” Wacdiga Culumaduna Boqol Maalmood Kahor Wuu Ka Caagana

Deegaankii Qof & Qoys Nabadiid ahi Kama Qixin Badalkeeda Deegaankii Guud ahaan Gaar ahaan Magaaladii JIGJIGA Waxaa Ay Hoy Iyo Hilin Ay Ku Soo Hirtaan U Noqotay Haldoorkii Umadda Soomaaliyeed Haday Tahay Suldaan, Abwaan, Qora, Siyaasi, Ganacsadde, Caalim, Indheer Garadkii Ama Labeentii Soomaalidda Geeska Africa Sumadda u ahayd Oo Qaarkoodna JIGJIGA JOOGA KUWANA SAFAR USOO YIHIIN (Calashaan JIGJIGA I GEEYA)

Waxaa Boqolkaas Maalmood Awooda eebe Ku Hirgalay In Hantidii Guurtadda ahayd & Tii Maguurtadda ahayd Ee Dadkii lahaa Hore Looga Fara-maroojiyey In Dib Loogu Celsho Waxna Ay Gudiyadii Farsamo Ee Loo Saarey baadhistooda ku hawlan yihiin

Boqolkaas Berri Waxaa Xoroobay Odayaashii Oo Madaxtooyadda Dhexdeeda “Madaxweynaha Hortiisa” Haday Wax Saluugaan ka dhiidhiya Oo Cumaamaday Tuura, Waxaan iyana Meesha Ka madhnayn Shacabkii Oo Waxay Diidaan Si Dadban Iyo si toos ah uga dhiidhiya

Boqolkaas maalmood waxaan aragnay Madaxweyne Booqda Hooyo Wiilkeedii Marwo Saygeedii , caruur Agoontimowday Oo Aabahood Ciidan Xabad Kibir Ugu Dhufteen Oo Tacsidda & Tiiraanyadda La Wadaaga Sidoo kalena Ka Garaaba Khaladka Dhacay Noloshoodana Inuu Kafaalo qaaday MADASHA KA SHEEGA (Halkii Awal Diintooda inta laga Caayo Ruuxa indhihiisa Ilin Lagu Arko Aakhiro looga daba diri jirey ruuxii Uu u tiiraayeysna)

Waxaa Boqolkaas Maalmood Dib Saldanadoodii U Hantay Odayaashii Asalka U ahaa Bulshadda Soomaaliyeed Ee Bulshadan Fac Ilaa ka Fac Umadan Gun-dhiga u ahaa (Garaad Ugaaz Wabar Suldaan IWM) Kuwii Dib U Curashada Meesha waa Laga Saarey

Boqolkaas Maalmood Waxaa Suuragalay In Safar Lagu Tago Sadex Kamid ah Goboladda Deegaanka Si loogu Kuur-galo Nolosha Bulshadda Goboladaas Ku Dhaqan Baahidoodana Loo Soo Dhagaysto, Baahidooda Wax Laga Jawaabay Iyo wax Hirgalintoodii Socoto (Goboladda kalena Sidii Loo Dhagaysan Lahaa Cabashadoodda Qorshadeedii Baa Lagu Jiraa Sidda Maqalka Igu ah) IA

Boqolkaas Maalmood Waxaa Lagu Faana Soomaalinimo Iyo wax Kasta Oo Asal Umadda Soomaaliyeed u ahaa (Halka Illaahay Baa Itoobiyaan naga Dhigey boqol maalmood Kahor sandareero lagu raadin jirey)

Waxaa Sal Iyo Baar Xididadda Loo Taagay Soo Nooleeyntii Iyo Baraarujintii Qiyamkii Shacabka Haday Tahay Tu Diimeed Mid Soomaalinimo Mid Qofeed Iyo Mid Qoyseeed

Waxaa Bulshadeenu Boqolkaas Maalmood Ilowday Dawladnimadii Xooga Iyo Ku Takri falka Awooda Cuyubka Loo Adeegsan Jirey “Walow Inyari Fahmi laadahay Dawladnimadan Ay Eega Haystaan” Iyaguna Wey Iskala Qabsan Inaysan Dawladnimaddu Ahayn Kaa Xoog Weyni

Boqolkaas Maalmood Ee Aadka U Yar & Waxyaabaha Faraha Badan Ee Mudada Aadka U Yar Ku Qabsoomay Aan Eego Sidoo Kale ama Bar-bar Dhigo Boqolkaas Maalmood Boqolkii Maalmood Ee Kasii Horeeyey Nolosha Bulshadeenu Sidey Ahayd Waxaan Go’aankayga Qofeed & Inta Inta Ila Midka ahba Aan Ka Garaabaya In Boqolka Maalmood Ee Madaxweyne MUSTAFA MUHUMED Xafiiska Joogay Uu KU amaanan yahay keligii Ma Amaana’e Dhamaan Teamkiisa Shaqooyinka Aan kor kusoo xusay iyo kuwo Uusan Qallinku ii Qaban Ragii la qabtay Ay ku Amaanan Yahiin WAANAN KU GARAB TAAGANAHAY SI AAN HAGRASHO LAHAYN 🙏

UGU Dambeyn Waxaa Sidoo Kale Aan Meesha Ka Madhnayn Ee Boqolkaas Maalmood Kala Miirmay ISBALDOONKII DHABTA AHAA EE GUNIMO-DIIDKA AHAA & ISBADALKII DOONKII QADDO & QADAADIIC DOONKA AHAA Ee CABDINA LASOO CUNAY KANA “MUSTAFE” KA WAAYEY “GEEDYAHAW MIDHO KAA GOOSTAY HADAAN KAA WAAYANA”

Xigasho: Aidrous Ahmed Abdi

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.