Camey oo raali gelin ka bixiyay hadalo gef ah oo uu warbahinta kasii daayay.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay hadalo gef ah oo uu dhawaan warbaahinta kasii daayay, hadaladaas oo ahaa kuwo meel ka dhac ku ah madaxweynayaasha dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiiradda ee dowladda Puntland, ayaa nuquludiisa ugu dambeeyay waxaa lagu muujiyay in madaxweyne ku xigeenku bixiyay raali gelin ku saabsanayd wareysi uu kaga hadlayay khilaafka dowladda federalka iyo dowladdaha xubinta ka ah.

Warsidaha Idilnews ayaa fahansan in madaxweyne ku xigeenku cambaarayn xoogan uu kala kulmay hadaladii uu warbaahinta kasii daayay oo lagasoo qaadan karay, ereyga Haraadi, isagoo u isticmaalay madaxda dowlad goboleedyada khilaafku kala dhexeeyo xukuumada Villa Soomaaliya ee Muqdisho fadhigeedu yahay.

Inkastoo aan qoraalka lagu muujin arrinta madaxweyne ku xigeenku raali gelinta ka bixiyay, hadana Idilnews waxay ogsoon tahay in wareysigii uu Camey siiyay mid kamid ah talefishinada uu ahaa wareysi lagu degdegay.

Halkaan hoose ka akkriso.