Maxaad Ka Taqaan Saddexda Ruux Ee Hoggaamisa Musuq-maasuqa Wasaaradda Maaliyadda XF Soomaaliya ? (Akhriso)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Iyadoo Muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo shaac baxayeen Faddeexado Musuq-maasuq oo Hareeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa IDIL NEWS waxaa ay heshay Shaqsiyaadka Hoggaanka u ah Musuq-maasuqa Wasaaradda.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa dhowaan Shaaca ka Qaaday Warbixin Rasmi ah oo Cadeynaysa Musuq-maasuq iyo Isdabamarin lagu Sameeyay Miisaaniyadda Dalka ee ay Diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, taas oo Sababtay Dood iyo Isqab qabsi Baarlamaanka iyo Guddoonka ah.

Sidoo kale, Warbixinta Guddiga ayaa sababtay inay Hakadaan Kulamadii Baarlamaanka iyo in Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka uu Sheego in uu kala diray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, taas oo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan oo Ku sugan Dalka Turkiga.

Hadaba Shabakadda Idil News ayaa Heshay Xog Muujinaysa Heerka Musuq-maasuq ee ka jira Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo Shaqsiyaadka Hoggaanka u haya, kuwaas oo kala ah:

1. Liban Aden Obsiye
2.Nor Ali Omar (Dubad)
3. Abdullahi Hussein Nor

Saddexdaan Xubnood ee aadan ila Wadaagnay Magacyadooda ayaa ah Ragga sida dad ban u Maamula Musuq-maasuq Wasaaradda, sidoo kalena Talada Qar ka tuurka ah Siiya Wasiir Beyle.

Xubnahan ayaa hal sano gudeheed qaatay lacag dhan 385,000, Iyagoona Mushaar iyo Gunno joogto ah ka qaata 4 Haya’dood.

Saddexdaan Nin ayaa ah Shaqsiyaad Awood balaaran Ku leh Wasaaradda Maaliyadda, waxaana Dadka ka Shaqeeya Wasaaradda ay inoo Sheegeen in Raggan ay si dhow ugu xiran yihiin Xafiiska Ra’iisulwasaare Kheyre oo ah halka lagu Dajiyo Qorshayaasha Lunsashada Hantida Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa haatan Wajaheysa Fadeexado Amni iyo kuwo Maaliyadeed, Iyadoona ay hoos u dhacday Kalsoonidii Xubnaha Beesha Caalamka oo ay Xukuumaddu Sheegtay Marar badan inay ka heysato Deeq Bixiyayaasha.

IDIL NEWS