Video:-Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Addis Ababa (Sawirro)

ADDIS ABABA(IDIL NEWS)-Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Soo Dhaweynta Hoggaamiyaha ONLF ayaa waxaa ka Qeyb-galay Masuuliyiin katirsan Dowladda Itoobiya, oo ay kamid ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa, Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno.

Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood, waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday.

Jabhadda ONLF ayaa horay looga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu waddaa in ay  wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed.

OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

Sawirro.

 

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.