Video:-Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo talo soo jeedin kasoo saaray magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka.

Musharixiinta xilka madaxtinimada dowladda Puntland ayaa soo saaray talo soo jeedin ay ku codsanayaan in laga qeyb galiyo magacaabidda guddiga xalinta khilaafadka barlamaanka iyo ansixinta xildhibaanada.

Qaar kamid ah murashixiinta oo hadda shir jaraa’id ku leh hotel Grand ee magaalada Garowe ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddiga xalinta khilaafaadku noqon kuwo garab kaliya uu soo magacaabo.

Waxay sheegeen Puntland inay u baahan tahay inay ka dhacdo doorasho xallaal ah, taasoo ay sheegeen inay ku xiran tahay sida madaxweynuhu u wajaho tilaabooyinka ugu horeeya ee guddiga khilaafaadku ugu horeeyaan.

Musharixiinta waxay soo saareen talo soo jeedin hoos ku xusan.

1:- Waa in sharuudaha guddiga iyo awoodoodu is waafaqsan yihiin.
2:- Waa in laga wada tashado magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka si looga hortago isqbqabsi iyo ku tagri falid.
3:- In xubnaha guddiga noqdaan kuwo isku dheeli tiran yihiin
4:- In guddiga aysan kamid noqon karin shaqaalaha dowladda iyo cid kasta oo ka ag dhow dowladda hadda waqtigeedu sii dhamaanayo.
5:- In xubnaha guddiga xubnaha aysan kamid noqon karin cid u ololaynaysa musharax gaar ah.
6:- In uusan madaxweyne gaas hantida dowladda u isticmaali karin si toos ah iyo si dadbanba.
7:- In madaxweynuhu uusan xil magacaabi karin, xilna ka qaad karin cidna maadaama u yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha.
8:- In xubnaha guddiga aysan kamid noqon karin cid maxkamad xukuntay.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka’

 

 

 

 

 

 

Idilnews.com