Agaasime Waaxeed katirsan Dowladda Oo Lagu Dilay Qarax ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa Sheegaya in Qarax uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa gaari yar oo lagu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ku Geeryooday Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada, kaas oo watay Gaariga.

Ciidamada ammaanka ayaa Gaaray Goobta uu Qaraxu ka dhacay, Iyagoona Bilaabay Baaris ku aadan sida ay ku suuragashay in loogu xiro Qaraxa gaariga.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka yar ee Raaxada ayaa ka mid noqday bartilmaameedyada ugu badan ee lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta Dowladda iyo dadka kale.

IDIL NEWS