Daawo:- Soo Dhaweyntii Quluubta Gil-gishay ee Madaxweynaha Puntland Loogu Sameeyay Dhahar.

DHAHAR(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo waxaa ay ku tageen Maalmo ka hor  Magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan, halkaas oo Madaxweynuhu uu kasoo Daah-furay Mashaariic Hormarineed.

Mashaariicdan horumarineed ee uu madaxweynuhu ka dhagax dhigey magaalada Dhahar ayaa kala ah 100 guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha iyo shacab kasoo jeeda Puntland gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan oo kasoo barakacay dagaaladii Ethopia ku dhex maray Oromada iyo Soomaalida, iyo sidoo kale wado laamiya oo isku xiri doonta Magaalada Sheerbi iyo Degmada Xiingalool.

Daawo Soo Dhaweynta Dhahar ee Madaxweynaha Puntland.

Magaalada Dhahar

Safarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Gobolka haylaan."Waxay noo tahay sharaf in aan idin soo booqano, waxaad noo muujiseen Dowlad jacayl iyo ixtiraam madaxeed".

Posted by Villa Puntland. on Saturday, December 1, 2018

IDIL NEWS