Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF iyo Waftii uu Hoggaaminayo oo Ku Wajahan Magaalada Jigjiga.

JIGJIGA(IDIL NEWS)-Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF Adm. Maxamed Cumar Cismaan iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta Lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wafdigan uu Hoggaaminayo Adm. Maxamed Cumar ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida, Iyadoona Goobaha lagu Nasto ee Jigjiga lagu Dhajiyay Sawirada Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF.

Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida, Iyadoona Shacab Fara-badani ay u diyaar garoobayaan sidii Jigjiga ay ugu soo Dhaweyn lahaayeen Adm. Maxamed iyo Waftigiisa oo ay kamid yihiin Saraakiisha ugu sareysa Jabhadda ONLF.

Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka ayaa Dhowaan Waxaa gaaray boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee jabhadda ONLF, kaddib Heshiis taariikhi ah oo dhexmaray ONLF iyo Dowladda Itoobiya.

OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.

IDIL NEWS