Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga (Daawo)

JIGJIGA(IDIL NEWS)-Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF Adm. Maxamed Cumar Cismaan iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wafdigan uu Hoggaaminayo Adm. Maxamed Cumar ayaa kasoo duulay Magaalada Addis ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, halkaas oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Masuuliyiin iyo Shacab fara badan ayaa Adm. Maxamed Cumar Cismaan iyo Waftigiisa kusoo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga, Iyagoona Shacabku ay ku dhawaaqayeen Erayo ay ku Muujinayaan Dareenkooda iyo sida ay ugu Faraxsan yihiin Imaanshaha Jigjiga ee Madaxda ugu sareysay Jabhadda ONLF.

Daawo.

Soo dhaweeynta will wal. International airport

Posted by Abditajir Mohamed on Sunday, December 2, 2018

IDIL NEWS