Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabaya Guddiga Xalinta Khilaafaadka Baarlamaanka.

GAROOWE(IDIL NEWS)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu Waddaa in Saacadaha soo Socda uu Magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Wararka ayaa Sheegaya in Madaxweynuhu uu Diyaariyay Liiska Magacyada Xubnaha kamid Noqonaya Guddiga Xalinta Khilaafaad, Iyadoona ay dhiman tahay in Lagu Dhawaaqo oo Kaliya.

Guddigan ayaa la Sheegay inay kasoo Muuqan doonaan Xubno badan oo Haween ah, taas oo ka dhigaysa Madaxweyne Gaas inuu yahay Madaxweynihii Haweenka Puntland Siiyay Mataladii ugu badneyd ee Siyaasadda Mandiqada.

Madaxweyne Gaas ayaa Maalin ka hor soo saaray Jadwal soo Xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha Dowladda Puntland, Isagoona ku Muujiyay in 08-January-2019-ka ay si rasmi ah u Qabsoomeyso Doorashada Madaxweynaha.

IDIL NEWS