Madaxweynaha Somaliland Oo Is barbar Dhigay Madaxweyne Farmaajo Iyo Siyaad Barre (Daawo)

HARGEYSA(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul u dhaliilay Hab-dhaqanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mr. Farmaajo iyo Qorshaha uu kula Heshiiyay Dowladda Itoobiya.

Muuse Biixi ayaa Sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Farmaajo uu ku Mashquulsan yahay inuu Awood u adeegsado Soomaalida oo uu Sheegay in Hortiis lagu Wadi waayay.

Waxaa uu tilmaamay in uu u dhaqmayo Sida Madaxweynihii Dowladdii Milateriga Jaalle Siyaad Barre, oo uu tilmaamay in uu Awood isku dayay inuu u Isticmaalo Soomaalida kaddib markii laga Hor-yimid Xukunkiisii Kali-talisnimada ahaa.

Madaxweyne Biixi ayaa Cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu isku dhiibay Itoobiya una Saxiixay Heshiis Walbaa, si uu Awood ugu adeegsado Soomaalida, waxaana uu xusay in Talaabadan ay lamid tahay tii uu Qaaday Siyaad Barre oo uu kula heshiiyay Mingistihii Xukumayay Itoobiya.

Daawo.

 

IDIL NEWS