Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Koonfur galbeed Oo Madaxweyne Dooranaya 5-ta Bishan.

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa Qorsheynaya inay Madaxweyne Doortaan 5-ta Bishan, kaddib Markii Shalay Guddiga u Xil-saaran Doorashada ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Doorashada Illaa 19-ka Bisha.

Xildhibaanadan ayaa Sheegay in Shaqsiyaad leh Dano gaar ah iyo Musharixiin ay ka dambeeyeen in Dib loo dhigo Doorashada KGS Markii Saddexaad, waxaana ay Cadeeyeen in aysan Ogalaan doonin Jadwalka Dheeraadka ah ee lagu daray Qabsoomida Doorashada.

Xildhibaanadan kamidka ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa si cad u Sheegay inay Qabanayaan Doorashada 5-ta Bisha oo aheyd Waqtigii sida rasmiga ah loogu wada heshiiyay.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta Qaar ee ku sugan Baydhabo ayaa Walaac ka Muujiyay Dib u dhaca markii Saddexaad ku yimid Doorashada Koonfur galbeed, Iyagoona Sheegay in lagu Beegay Xilli Xubnaha Beesha Caalamka eek u sugan Soomaaliya aysan Kor-joogteyn Karin Qaabka ay u dhaceyso Doorashadu, maadama ay galayaan Fasax Ciida Kirismaska oo ah Dabayaaqada Bishan.

Guddiga Doorashada Koonfur galbeed ayaa Shalay ku Dhawaaqay in Markii 3-aad Dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha oo la Filayay inay Qabsoonto 5-ta Bisha, Iyagoona tilmaamay inay dhacayso 19-ka Bishan, Waxaana ay u sababeeyay howlaha baaxada leh ee laga doonayo iyo waqtiga ay heystaan oo aan is le ekeyn.

IDIL NEWS.