Dagaal Beeleed Saaka ka Taagan Deegaano Hoos-taga Magaalada Jowhar.

MAANDHEERA(IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa Sheegaya in Xiisad dagaal ay Saaka ka taagan tahay Deegaanada Mandheera iyo Koongo oo hoos-taga Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalkaas.

Xiisadan Dagaal ayaa la Sheegay inay ka Dhalatay Dagaal shalay gelinkii Dambe ka dhacay Deegaanadaas, kaas oo Salka ku haya Dhul Daaqsimeed, waxaana Dagaalkaas ku dhintay 2 Ruux, halka Tiro kalena ay ku dhaawacmatay.

Wararka ayaa Sheegaya in Dagaalka ka dhacay Deegaanadaas Shalay Gelinkii dambe uu si Iskiis ah u Istaagay, Iyadoona ay jiraan Saaka Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Labada dhinac.

Dadka Deegaanka ayaa la Sheegay inay Qaarkood xalay Isaga baxeen Deegaanada Mandheera iyo Koongo, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato kasoo gaarto Colaadan cusub ee u dhaxeysa Maleeshiyaad Beeleedyada.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS