DEG-DEG:- Madaxweyne Ku-xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Ku Dhawaaqaya Guddi Cusub.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, ayaa Saacadaha soo socda Ku Dhawaaqaya Guddi Cusub, Saacado uun kaddib Markii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku Shaaciyay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa Kulamo leh haatan, Iyagoona kasoo Hor-jeeda Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas.

Labadan Masuul ayaa Sheegay in uusan Madaxweynaha Puntland kala Tashan Guddiga uu Magacaabay ee Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo heshay Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ay isku Afgarteen inay Magacaabaan Guddi Cusub oo ka dhan ah Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta Magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Puntland ee Cusub, Iyadoona Madaxweynaha Lagu Eedeeynayo inuu Guddiga kusoo daray Xubno u dhow.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka socda Olalaha Doorashada, Iyadoona si weyn Shacabku ugu Dhag taagayeen Magacaabista Guddigan, kuwaas oo Mashiin u ah inay si Habsami leh u dhacdo Doorashada Puntland 8-Junaury-2019-ka.

IDIL NEWS