Fu’aad Abshir Oo Ku Guuleystay Kursi Kamid ah Baarlamaanka Puntland (Sawirro)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Waxaa si buuxda Loogu Heshiiyay Xubin kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, taas oo ka tirsan Xildhibaanada ka imaanaya Gobalka Mudug.

Xubintan oo Muddooyinkii ugu dambeeyay uu Muran ka taagnaa, ayaa waxaa si rasmi ah loogu doortay Fu’aad Abshir Adeer, kaddib Markii ay u tanaasuleen Xubnihii kale ee ay isku hayeen.

Xildhibaan Fu’aad ayaa kamid Noqonaya Xubnaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ku matali doona 5-ta Sanno ee soo socota Shacabka Gobalka Mudug.

Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer, ayaa kamid ah aqoonyahanada Deegaanada Puntland, waxaana aad u soo Dhaweeyay Guushiisa Shacabka Gobalka Mudug.

Sawirro.

 

IDIL NEWS