Madaxweyne Gaas Oo Daah-furay Sheybaarkii Ugu Weynaa Ee Lagu Baarayo Cudurka Qaaxada (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta Daah-furay Mashriic ay Fulisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, kuwaas oo isagu jira Xarumo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xarunta Tababarka Shaqaalaha Wasaaradda iyo Sheybaarka  Casriga ee lagu Baarayo Cudurka Tiibiida.

Agaasimaha Iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayaa Sheegay in Wasaaraddu ay dadaal ku bixisay Sidii Dalka looga Hir-gilin lahaa Mashaariicdan Muhiimka u ah Caafimaadka oo uu kamid yahay Sheybaarka  Casriga ee lagu Baarayo Cudurka Qaaxada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Cudurka Qaaxadu uu kamid yahay Cudurada Haliska ah eek a jira Dunida, gaar ahaan Soomaaliya, waxaana uu Sheegay in Sheybaarkan oo ah kan ugu weyn ee Soomaaliya laga Hir-galiyay uu wax badan ka bedelayo Xaalada Caafimaad ee Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ammaan iyo Boggaadin u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka ee Wasiirka ka yahay Mr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke, Isagoona Sheegay in Wasiirku uu Wax badan ka Qabtay Howlaha Wasaaradda.

DHAGEYSO.

Daawo.

Gaas

Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariico Horumarineed oo laga Hirgaliyey Magaalada Garoowe.Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 December 2018 waxaa uu xadhiga kajaray Xarunta Tababarka iyo tayeynta xirfadleyaasha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo Shaybaar casriya oo lagu xakameynayo qaaxada oo ah Shaybaar casriya oo markii ugu horeysay Soomaaliya oo dhan Puntland laga hirgaliyey.

Posted by Puntland State House on Monday, December 3, 2018

IDIL NEWS