Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Awood Ma U Lee yahay Inuu Magacaabo Guddi Ansixinta BPL (Akhriso Dastuurka)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo ah Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Magacaabista Guddigan u Daliishada in uusan Madaxweynaha Dowladda Puntland kala tashan Guddiga Ansixinta Iyo Xalinta Khilaafka Baarlamaanka ee uu maanta Magacaabay.

Hadaba Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Awood Ma u lee yahay Magacaabista Guddigan iyo in Lagala Tashado.

Dastuurka Dowladda Puntland oo ah midka sida rasmiga ah u kala saara Madaxda iyo Shacabka Deegaanada Puntland, Qeexayaan Awoodaha iyo Waxyaabaha looga baahan yahay, ayaa Muujinaya Awooda Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad ayaa Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland kusoo koobaya 6 Qodob, kuwaas oo kala ah:

IDIL NEWS