Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Sarkaal Katirsan Nabad-sugida Oo Lagu Dilay Beled-xaawo.

BELED-XAAWO(IDIL NEWS)-Warar naga soo gaaraya Degmada Beled-xaawo ee Gobalka Gedo, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay ku dileen degmadaas Sarkaal ka tirsan Nabadsugida Jubbaland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/qani Axmed Faarax, waxaana la dilay isaga oo ku sii jeeday gurigiisa.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay horay u sii qaateen qori AK47 oo uu Sarkaalka watay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa howlgalo ka wada degmada Beledxaawo iyo tuulooyinka ku dhow dhow, iyagoo ku raad-jooga kooxihii dilka ka dambeeyay.

Xaalada degmada Beledxaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay laga deyriyay, kaddib dilal ka dhacay degmadaas iyo Al-Shabaab oo degmadaas soo saaray culeys.

IDIL NEWS