XOG:- Dowladda Federaalka Oo Diyaarisay Qorshe ay Madaxweyne Ugu Soo Magacaabayso Koonfur Galbeed (Akhriso)

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Iyadoo ay sii Xoogeysanayso Xiisada ka dhalatay Dib u dhaca ku yimd Markii Saddexaad Doorashadu Madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa waxaa soo baxay Xog ku aadan Cid aka dambeysa in dib loo dhigo iyo Ujeedada laga lee yahay.

Xog ay ka heshay Shabakadda Idil News, Shaqsiyaad ka ag-dhow Madaxda Dowladda Federaalka ayaa Sheegaysa in si rasmi ah uu uga soo baxay amarka uu Guddigu Doorashada Koonfur Galbeed dib ugu dhigay Doorashada Madaxweynaha Markii 3-aad.

Shaqsiyaadkan ayaa inoo Xaqiijiyay in Villa Soomaaliya ay Lacag siisay Xubnaha Guddiga Doorashada, si dib loogu dhigo Doorashada, waxaana jira u jeedo ay Madaxda Dowladdu ka lee yihiin Dib u dhacan.

Wararka ayaa Sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalku ay doonayaan in Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni Laga Abuuro Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, si ay u Fashilanto Doorashada Madaxweynaha.

Madaxda Vila Soomaaliya ayaa Qorsheynaya in Qalalaase Siyaasadeed oo ka dhashay Koonfur galbeed uu Horseedi doono Isku dhacyo Dhex mara Beelaha Wada-daga Deegaanada Koonfur galbeed, kaasi oo Meesha ka saaraysa in Dadka Reer KG ay soo doortaan Madaxweyne lagu Mideysan yahay.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in Madaxdu ay u Arkaan Taas Fursad uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ku Magacaabi karro Madaxweyne KMG ah oo ay yeelato Koonfur galbeed, kaas oo Guddoomiye Gobal uga noqda Deegaanada Koonfur galbeed.

Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay in Madaxda Dowladda Federaalka lagala taliyay inay ku kacaan Talaabadan ay Damacsan yihiin, taas oo uu ku Dhaga adeegay Madaxweyne Farmaajo inuu Fulin doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la Sheegay in Tallooyin oo uga imaanayay Siyaasiyiinta ay isku dhaweeyeen uu ka Dhaga adeegay, Isagoona Bilaabay Xilligaas Safaro uu ku kala Bixiyay Dalal dhowr ah, kaas oo uu kusoo Lumiyay Muddo Asbuuc ka badan.

Dowladda ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ay Geysay Ciidamo Fara-badan, kuwaas oo si weyn loo Soo Hubeeyay, waxaana Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Deegaanada Koonfur galbeed ay Sheegeen inay Ciidamadani yihiin kuwo Dano gaar ah ay ka lee yihiin Madaxda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Qorshahan ayaa waxaa si toos ah uga Hor-yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan, kaas oo horey Villa Soomaaliya kula Socday in Meesha Laga saaro Madaxweynihii Is Casilay ee Koonfur galbeed Shariif Xasan, Loona Doorto Ruux ay isku aragti yihiin Madaxda Dowladda Federaalka waxna u Qabta Dad Reer Koonfur Galbeed, balse looga Baxay Markii dambe.

Dhanka kale, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa Qorsheynaya inay Madaxweyne Doortaan 5-ta Bishan, kaddib Markii Guddiga u Xil-saaran Doorashada ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Doorashada Illaa 19-ka Bisha, Tilaabadaas oo Bilow u ah Qorshaha ay Damacsan tahay Villa Soomaaliya.

Qaar ka mida musharixiinta u taagan u tartamaysa doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku Sheegay in dib u dhigista doorashada ee lagu beegay 19ka December oo ah xilli inta badan shaqaalaha reer galbeedka ah ay fasax yihiin loogu talogalay in aysan ka qeybgalin doorashada kormeerayaal caalami ah.

Si Kastaba ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka taagan Wal-wal ay qabaan Shacabka Koonfur galbeed, kaas oo ku aadan in Xiisad Dagaal ay ka dhalato Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay Fara-gelin ku heyso Dowladda Federaalka.

Xogtan Waxay Gaar u Tahay Shabakadda Idil News.

IDIL NEWS