XOG WARAN:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Biyo-diiday Soo Jeedin uga Timid Villa Soomaaliya.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Warar Saacadihii ugu dambeeyay si isdaba-joog ah ugu soo dhacayay Warqabadka Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaMaxamed Mursal Sheekh C/rixmaan uu ka Biyo-diiday Dalab uga yimid Madaxda Dowladda Federaalka.

Guddoomiye Mursal ayaa la Sheegay inuu kulan la Qaateen Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Taliyaha Ciidamada NISA Fahad Yaasiin, Iyagoona ka dalbaday in uusan Marnaba ka laaban Go,aanka ku-xigeenkiisa 1-aad uu ku kala diray Guddigii Maaliyadda Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la Sheegay inuu Ganafka ku dhuftay Soo Jeedintan uga timid Labadan Xubnood, Isagoona si cad ugu Sheegay in uusan Mar dambe qaadan doonin in Fara-gelin Qaawan lagu sameeyay Baarlamaanka, taas oo Meesha ka saartay Kalsoonidii ay ku Qabeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Wararka ayaa Sheegaya in Go,aankan uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xiisad cusub ka dhex abuuray Madaxda Dowladda Federaalka, kuwaas oo tan iyo xalay lahaa Kulamo gooni gooni ah oo looga arrinsanayo Taalabada Xasaasiga ah ee uu qaaday Guddoomiye Mursal iyo sidii Villa Soomaaliya ay ka yeeli laheyd.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mr. Muudey ayaa kala diray Dhowaan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka kaddib Warbixin la xariirta Musuq-maasuq oo ay kasoo Gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Kheyre, Iyadoona kala diristooda la sheegay in aysan Waafajisneen Xeer hoosaadka Golaha.

Si Kastaba ha ahaatee, Kulamidii Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa haatan hakad ku jira, Iyadoona Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Diidan Hab-dhaqanka Xukuumadda ay aaminsan yihiin Khilaafkan Cusub looga Gol lee yahay in aan lala Xisaabtamin Xukuumadda Kheyre oo lagu heysto Qodobo ka Hor imaanaya Dastuurka.

IDIL NEWS