Guddoomiye Mursal Oo Isigu Yeeray Guddiyadda Joogtada Ah Ee Baarlamaanka.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen, waxaana Baaqday Afartii Kulan  ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu yeelan lahaa.

Wada-hadalo Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo dhamaaday Ismari waa, Waxaana intii Kulamadaasi ay Socdeen Diirada lagu saaray Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.

Guddoomiye Mursal ayaa ka Dalbaday Madaxda Dowladda Federaalka Saddex Qodob, kuwaas oo Saldhig u ah in Xal laga gaaro Khilaafka Guddoomiyaha  iyo Labadan Masuul, kuwaas oo kala ah:

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Si Kastaba ha ahaatee, Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa haatan Wajahaysa Dhaleeceyno Culus, kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin inay ku Fashilantay Amnigii Dalka, Musuq-maasuq Xooggan iyo Hantidii Qaranka ay U Adeegsaneyso Fara-gelinta Iyo Duminta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

IDIL NEWS