Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Guddiga uu Magacaabay Eng. Camey.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa si adag uga hadlay Guddiga uu Xalay Magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Eng. Camey, kaas oo Bar bar socda kii uu Magacaabaya ee ahaa Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Cusub ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Sheegay in Talaabadaas uu Guddiga ku Magacaabay Eng. Camey ku tilmaamay Waali ay  soo Abaabushay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Fadhigeedu yahay Xamar.

Waxaa uu Sheegay Madaxweynuhu in Waraaqda kasoo baxday Eng. Camey aysan Waxba ka bedeli dooni Hanaanka Doorashada Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayna u dhici doonto sidii ay uga dhici jirtay Deegaanada Puntland.

Waa waali, Shiddo Xamar looga soo dhiibay ayuu Puntland kula dhexjira, laakiin waxaan ku sheegaya taasi waxba kama bedelayso hanaanka doorashada, waxayna u dhacaysa doorashadu si nabad ah sidii Puntland ay hore uga dhici jirtay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa Xalay Magacaabay Guddi Cusub ka bar bar shaqeynaya Guddigii Ansixinta Iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Puntland, arrintaas oo si weyn ay uga caroodeen Shacabka Deegaanada Puntland oo ku tilmaamay Dhacdo Ugub.

IDIL NEWS