Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Xasaasiga ah ee maanta uu Yeelanayo Aqalka Sare ?

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Senator-ada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanaya  Kulan Xasaasi ah, kaas oo looga hadlay Qodobo dhowr ah.

Golaha Aqalka Sare ayaa Kulankooda maanta La Filayaa inay Ku Meel-mariyaan Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga La Dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxa Banaan, kaas oo Xubnaha Aqalka Sare ay horeyto uga Doodeen.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Xasan Xusseen Xaaji, ayaa Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Aqalka Sare ka Sheegay in aan la dhisi Karin Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa, Illaa laga ansixiyo Sharciga Dhismaha Guddiga.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Senatorada ayaa horey u soo Bandhigay Qodobo u baahan in Wax laga bedelo, sida Cidda Awoodda u leh Magacaabista iyo Ansixinta Guddoonka Sare ee Guddigaas.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah ay Meel-mariyaan Dhismaha Guddiga, si loo dhiso Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

IDIL NEWS