Qaar Kamid Ah Musharixiintii Madaxweynaha Puntland Oo Dhaliil U Jeediyay Eng. Camey (Akhriso)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Qabashada Hoggaanka Puntland ee Doorashada 2019-ka ayaa si adag uga hadlay Waraaq uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, taas oo uu ku Magacaabay Guddi bar bar socda Guddigii Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Baarlamaanka Cusub ee Dowladda Puntland ee uu Magacaabay Madaxweyne Gaas.

Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Asad Cismaan Diyaano oo kamid ah Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ee 2019-ka, ayaa Sheegay inay ku Faraxsan yihiin Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Gaas, wallow aan laga tala-galin.

Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Qoraal uu soo Dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu ku Sheegay in uu aad uga xun yahay inaan talo Waafi uu Madaxweynuhu gelin Guddiga uu Magacaabay, balse waxaa uu sheegay inuu yahay mid sharci ah.

Waxaa uu tilmaamay in Xubnaha Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland ay yihiin Dad Howlkar ah oo lagu Qanci karo Gartooda, Isagoona Cadeeyay inaan la Aqbali Karin in laga Hor-yimaado, si Puntland looga abuuro Isbar baryaac.

“Waxaan ka xumahay inaan gudiga xallinta khilaafaadka ee madaxweynuhu maanta magacaabay aan kaalin iyo tixgelin laga siin gabdhaha reer Puntland oo door mug weyn ku dhex leh bulshada. Waxaan kaloo qabaa inaan Madaxweynuhu talo waafi ah arrintan gelin, Waxaanse qabaa in xubnaha gudiga cusubi kasoo bixi karaan masuuliyadda ballaaran ee ay qaadeen, gartoodana lagu qanci karo. Ma qabo in is-barbar-yaac iyo muran horleh xillagan dan yahay”  ayuu yiri Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Sidoo kale, Musharax Asad Cismaan Diyaano ayaa Sheegay in Puntland aysan aheyn Meel u dhisan Khilaaf iyo Is-jiid jiid, Isagoona tilmaamay in Dadka Reer Puntland ay sanado badan kusoo Caano Maalayeen Nabad, Xasilooni iyo Hormar, haatan aan La Aqbali Karin Khilaaf.

Cid walba oo Dastuurka iyo qawaaniinta umadda yaala Gees Marta waa in Sharciga ruuxiisu qabto wixii Mad madow ahna Lawada saaro, Puntland Awoodeedu majoogto Maanta mid lagu wiiqi Karo si fudud oo waxaa Ku curyaamay Cadowyo badan oo horey isugu dayey” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan Diyaano.

Dhan kale, Shacabka Deegaanada Puntland ayaa si weyn uga Carooday Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Iyagoona ku tilmaamay inuu yahay mid Doonaya inuu Bur-buriyo Hanaanka Dowladnimo ee Puntland kusoo Dhaqmaysay 20 Sanno ee Lasoo dhaafay.

IDIL NEWS