XOG-WARAN:- 3 Arrimood Oo Soo Dad-dejiyay Go,aanka Guddoomiye Mursal & Hanjabaada Fahad Yaasiin (Akhriso)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan ayaa Xaqiijiyay Xog ay Shabakadda Idil News, ay Shaacisay Saacado uun kaddib Kulan kusoo Dhamaaday Fashil oo Dhex Maray Mr. Mursal iyo Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo ah Ku-simaha Hay’adda NISA.

Kulankan oo ahaa mid inta uu Socday si gaar ah Diirada loogu saaray Arrimaha la xariira Doorashada Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo Kala-diristii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa kusoo dhamaaday Fashil kaddib markii Guddoomiyuhu uu Istaagay Mowqif Cad oo ku aadan Labadan Qodob.

Guddoomiye Mursal ayaa u Cadeeyay Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Fahad Yaasiin, in uusan Marnaba Gor-gortan ka geli Sadddex Qodob kala ah:

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Maxaa Soo Dad-dejiyay Go,aanka Guddoomiye Mursal ?

Shabakadda Idil News, oo Xog ka heshay Xubno ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Ogaatay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Mr. Mursal, uu ka Careysan yahay Balamo ay uga Baxeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Talaabooyinka Afgambiga ah ee uu ku hayo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka C/weli Muudeey iyo Hanjabaad uu u Jeediyay Ku-simaha Ciidamada NISA Fahad Yaasiin.

*Mr. Mursal ayaa la Sheegay inuu Madaxda Villa Soomaaliya uga baxday Balamo badan oo uu ugu dambeyay Heshiis ay ka wada gaareen Doorashada Koonfur Galbeed, kaas oo ahaa kii Meesha Looga Saaray Shariif Xasan oo iska Casilay Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Saddexdan Masuul ayaa horey ugu heshiiyay in Meesha Laga saaro Shariif Xasan Deegaanada Koonfuur galbeedna ay ka dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, taas oo Xildhibaanada Matala Shacabka ay kusoo doortaan Qofka ay u arkaan inuu Dan u yahay Dadka Reer Koonfur galbeed, taas oo markii dambe looga baxay Mursal Dowladda Federaalkuna ay si toos ah ugu sheegtay inay Xoog kusoo saarayso C/casiis Lafta-gareen oo ah Musharaxa ay Wadato.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa u Cadeeyay Guddoomiye Mursal in Koonfur galbeed ay geynayaan Cida ay Doonayaan ayna Meesha ka saari doonaan Musharaxiinta loolan adag ay kala kulmayaan oo uu ugu horeeyo Sheekh Mukhtaar Roobow, taas oo ka Careysiisay Guddoomiyaha.

*Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Sidoo kale, ka Careysan Afgambiga uu ku hayo illa intii loo doortay Afhayeen Guddoomiye Ku-xigeenkiisa 1-aad C/weli Muudeey, kaas oo la Wareegay Shaqooyinkiisii, sidoo kalena soo saaray Waraaqo uusan kala Tashan oo ay ugu dambeysay tii uu ku kala diray Guddigii Maaliyadda Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in Guddoomiyuhu uu Muddo sugayay Sifo Dastuuri ah oo uu Shaqadiisa uga Xoreysto Mr. Muudeey.

 *Arrinta Saddexaad ee sida weyn uga Careysiisay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Mr. Mursal ayaa ah Hanjabaad uu u jeediyay Fahad Yaasiin oo ah ku-simaha Ciidamada NISA, taas oo ah in uu Kordhinayo Ciidamada la Geeyay Magaalada Baydhabo, ayna Awood u adeegsan Doonaan in Mukhtaar Roobow laga Reebo Tartanka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waxaana la Sheegay in Guddoomiyaha uu u Sheegay Fahad inuu sameeyo Wuxuu ku Haminayo.

Go,aanada uu Qaatay Guddoomiyaha ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan Xilli Xaalad Cakiran ay ka jirto Soomaaliya, Iyadoona Hakad ay ku jiraan Shaqooyinkii Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo haatan Isku Mashquulsan, Maadama Wasiirada Xukuumaddu ay yihiin 74% Xildhibaano.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Badidood ayaa aad u soo Dhaweeyay Go,aankan uu Qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan, Iyagoona ku tilmaamay kuwo Muhiim u ah Bad-baadada iyo Xasiloonida Dalka.

IDIL NEWS