Axmed Carab Oo Sheegay In uu Iska Casilay Guddiga uu Magacaabay Eng. Camey, Siro Badana Soo Bandhigay (Dawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Axmed Aadan Carab, oo kamid ah Guddi uu Magacaabay Dhowaan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ku Dhawaaqay in uusan kamid aheyn Guddi Lagu Bur-burinayo Hanaanka Dowliga ah ee ka jiray Deegaanada Puntland ee 20 Jirsaday.

Axmed Carab ayaa Sheegay in aan lagala tashan Guddigan aan Dastuuriga aheyn ee uu kusoo daray Madaxweyne ku-xigeenka, kaas oo ka dhan ah Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Puntland 2019-ka ee uu dhowaan Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa uu Sheegay in ay jirto Fara-gelin ay ku Heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya Doorashooyinka Puntland, taas oo ay ku Dooneyso inay isaga Horkeento Bulshada Puntland, loona Bur-buriyo.

Ugu Dambeyntii, Axmed Aadan Carab oo kamid ah Waxgaradka Puntland, ayaa ugu Baaqay Shacabka Puntland inay Ilaashadaan Hanaankooda Dowliga ah ee ay kusoo Noolaayeen 20 Sano ee ay jirta Puntland, kaas oo haatan la doonayo in la Bur-buriyo.

Daawo.

 

IDIL NEWS