Maxaa Looga Hadlayaa Kulan Xasaasi ah Oo Maanta ay Yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ?

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku Yeelanaya Xaruntooda Magaalada Muqdisho Kulan Xasaasi ah.

Kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa Shir Guddoominaya Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan, Iyadoona Ajandaha Kulanka uu yahay Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Leelitirka.

Kullan maalinimadii shalay aheyd Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Shiikh Mursal waxaana lagu go’aamiyay Ajendayaasha looga hadlayo kullanka golaha ee maanta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Xalay Fiidnimadii lagu War-geliyay inuu Jiro Kulan maanta, Iyadoona loo diray Fariimo ku aadan Ajendaha Kulanka.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ayaa Ka Duwan Kulamadii hore, waana Kulankii ugu horeeyay ee Qabsooma tan iyo Markii uu Guddiga Maaliyaddu keeneen Warbixin la Xariirta Musuq-maasuq ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, taas oo keentay Muran iyo Buuq Golaha Dhex-diisa ah.

Sidoo kale, Guddigan ayaa waxaa kala diray Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka C/weli Muudeey, taas oo ka Careysiisay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan oo ka Hor-yimid Talaabadan.

IDIL NEWS