Nabadoon Khaliif Aw-cali Oo Iska Bari Yeelay Guddigii Uu Magacaabay Eng. Camey (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Nabadoon Khaliif Aw-cali oo kamid ahaa Guddi uu Dhowaan Magaacabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Camey, ayaa Sheegay inuu iska Casilay Guddigan.

Nabadoon Khaliif ayaa Sheegay in Guddigan uu Magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee ka dhanka ah Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Cusub ee Puntland 2019-ka ee uu Magacaabay Dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid Sharci darro ah.

Nabadoonka ayaa Carabka ku Adkeeyay in Guddigan uu Xaq u lee yahay Magacaabistiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland, Talaabada Eng. Cameyna ay tahay mid Dastuurka Hareermarsan oo lagu Waxyeelayo Hanaanka Dowliga ah ee Puntland.

Nabadoon Khaliif Aw-cali ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay Ilaashadaan Nabadooda oo Duulaan Lagu soo Qaaday.

Nabadoon Khaliif ayaa ah Xubintii 2-aad ee Ku Dhawaaqda inay Iska Casishay Guddiga uu kusoo Daray Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Iyadoona la filayo in Xubnaha harey ay Saacadaha soo socda ku dhawaaqaan inay Is Casileen.

Daawo.

IDIL NEWS