Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

KISMAAYO(IDIL NEWS)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Maamulkaasi.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka & Wafdigiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aadan dadaaladii Golaha Aqalka Sare ay ka wadeen Maamul Goboledyada ee ku aadan xalinta Khilaafka dowladda Somaliya & Maamul Goboledyada ka dhex taagan.

Jubbaland waxa uu ahaa Dowlad Gobaleedkii ugu horeeyay ee beeniyay hadalka kasoo baxay guddiga aqalka sare ay u xil saareyn xalinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku aadanaa in la xaliyay khilaafkaasi.

IDIL NEWS