Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Ku Wajahan Kismaayo.

MUQDSISHO(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi, iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta ku Wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland.

Ujeedada Safarka Guddoomiyaha Iyo Xubnaha Aqalka Sare ayaa la Xariirta Dadaalada Lagu dhex-dhexedaaniyo  Dowladda Federaalka Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, kuwaas oo Muddooyinkii ugu dambeeyay uu ka dhaxeeyay Khilaaf Xooggan..

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo la Hadlay Saxaafadda ayaa Sheegay in ay Ku Wajahan yihiin Magaalada Kismaayo, oo ay u Tagayaan Xalinta Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Aqalka Sare ayaa Dhowaanaha Waday Dadaalo ay ku Xalinayaan Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, Iyagoona Dhowaan Shaaciyay Guddigii Goluhu u Magacaabay Xalinta Dhinacyada inay Meel Gabo-gabo ah uu Marayo Xalinta Khilaafkan.

IDIL NEWS