Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyihii iyo Abaanduulihii Qeybta 12-ka April ee CXD (Akhriso)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhow deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu tilmaamay iyo Saraakiishaas iyo askartii kale ay shahiideen.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah, Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose”ayuu yiri Madaxweynaha.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo maanta ay la eegteen gaari ay la socdeen Taliyaha qeybta 12-ka April iyo Abaanduulaha Qeybta, agagaarka deegaanka Dhanaane ee duleedka Koofureed Muqdisho.

IDIL NEWS