Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Oo Ku Guuleystay Xubin Kamid Ah Baarlamaanka Puntland.

GAALKACYO(IDIL NEWS)-Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa Ku Guuleystay Xubin Kamid ah Golaha Wakiilada Cusub ee Dowladda Puntland 2019-ka, Isagoona Kamid Noqonaya Xildhibaanada Gobalka Mudug Ku Matalaya Baarlamaanka Puntland.

Waxgaradka Beesha uu kasoo Jeedo C/xakiin Yuusuf, ayaa u gartay C/xakiin inuu Ku Matalo Baarlamaanka Puntland, Isagoona Kamid noqday 10 Xildhibaan ee Gobalka Mudug Ku Lee yahay Golaha Wakiilada.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa ahaa Sanadihii ugu Dambeeyay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari, Isagoona intii uu Hayay Xilkan Wax badan ka Qabtay Amniga Gobalka gaar ahaan kan Magaalada Boosaaso.

IDIL NEWS