Wada-hadalo Dalka Sweden Uga Furmay Kooxaha Isku-haya Dalka Yemen.

STOCKHOLM(IDIL NEWS)-Dowlada Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta oo gacanta ku haysa caasimada dalkaas ee Sanca ayaa wadahadalo lagu heshiisiinayo uu ka furmay dalka Yemen.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs ayaa wadahadaladan si rasmi ah u furay iyadoo hadal uu ka jeediyay furitaanka shirkan uu ku sheegay in mustaqbalka dalka Yemen uu gacanta ugu jiro kooxaha isku haaya dalkaasi ee lagu wadahadalsiinayo Sweden, waxaana Xuutiyiinta wadahadalkaasi ku matalaayey saraakiil sar sare oo laf dhabar u ah jiritaankooda.

“Waxaa sharaf inoo ah in ugu dambeyn wadahadlkaani uu qabsoomayo oo aan si loo dhan yahay kaga soo qeyb galnay waxaana rajaynayaa in uu ka dhalan doono heshiis lagu aayo oo taariikhi ah” ayuu sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Yemen Martin Grithifs.

Todobaadkii tagay ayey aheyd markii xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo ay 50 dagaalyahano oo xuutiyiinta ka tirsan oo dagaalada Yemen ku dhaawacmay ay u ogolaadeen in loo qaado dalka Cumaan si loogu soo dabiibo, taasi oo muujinaysa in wax xoogaa xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ay dabacsanaan muujinayaan.

IDIL NEWS