WAR DEG DEG AH:- Taliyihii Iyo Abaanduulihii Qeybta 12-ka April Ee CXD Oo Lagu Dilay Qarax.

DHANAANE(IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa Sheegaya in Qarax Xooggan lagula Beegsaday Deegaanka Dhanaane Kolonyo Gaadiid ah oo ay Saarnaayeen Saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa Miinada Dhulka Lagu aaso ayaa Haleeshay Gaari uu Saarnaa Taliyihii Qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) Iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame, kuwaas oo ku Geeryooday Qaraxan.

Wararka ayaa Sidoo kale, Sheegaya in Qaraxan Lagu Dilay Illaa 7 Askari oo katirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ilaalo Khaas ah u ahaa Taliyaha iyo Abaanduulaha Qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga Dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo Maalinada Berri ah loogu Sameynayo Aas Qaran.

Jen Cumar Dheere ayaa Wasiir Ku-xigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday Dowladdii KMG aheyd, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka Dalka.

IDIL NEWS