Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab.

HAREER—TUUR(IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gedo, ayaa Sheegaya in Dagaal Xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Deegaano kamid ah Gedo.

Wararka ayaa Sheegaya in Dagaalkani uu yimid kaddib Markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay saaka Aroortii Weerareen Saldhig Ciidamada Xoogga iyo Kuwa Jubbaland ay ku lee yihiin Deegaanka Hareer-tuur ee Gobalka Gedo.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegaya in Dagaalkaas uu ka dhashay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada Dhinac, Iyadoona Dagaalku uu Fiday lana Maqlayo Rasaas Goos-goos ah.

Deegaanka Hareer-tuur ayaa u dhaxeeya Degmada Beled-xaawo iyo Af-barwaaqo, Ciidamada Lagu Weeraray ayaana la sheegay inay Dageen shalay gelinkii dambe, iyagoona kasoo kicin timay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa la sheegay inay gaareen Deegaanka Hareer-tuur, Iyagoona kasoo Gurmaday Degmada Beled-xaawo, waxaana jirta Cabsi soo Wajahday Dadka Deegaanka.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS